casaan
(m.l)

1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin.

casaan
(m.f.dh)

eeg cas². ld casaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Casaan

xabbadqaad [m.l]
1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.

aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

ashkir [m.l]
Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.

beycas [m.l]
Midab ciira boos ah oo casaan yar ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da fardaha iyo riyaha. ld beyguduud.

buro [m.dh]
(daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.

calas [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.

camaajiir [m.l]
Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.

carab [m.l]
(carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.

casaan [m.l]
1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin.

casaan [m.f.dh]
eeg cas². ld casaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg