dhanaan
(m.l)

Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iwm.

dhanaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

Wax dhadhan cusbo leh noqosho.

dhanaan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax dhadhan cusbo yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Dhanaan

baacug [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.

jaan [m.l]
1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

asiidh-laagtika [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

biir [m.dh]
1. Neef sun ah oo ur gaar ah leh oo ceelasha aan muddo laga cabin marmar yeeshaan. 2. Wax aad u khamiiray. 3. Caano aad u dhanaan.

canyo [m.dh]
Cagaar yar, dhanaan, ka baxa meelaha ciidda jilcan leh oo la cuno. ld cayo.

carbar [m.l]
Xaaladda neef baahan oo cabbay biyo aad u dhanaan oo maqaarkiisa iyo hilibkiisa biyo kala dhex gelaan.

ciir [m.dh]
Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg