midab
(m.l) (-bbo/-byo, m.dh)

1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Midab

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.

ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.

daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.

saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.

aalkol [m.l]
Dareere aan midab lahayn oo dabka qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo. aalkolo

kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.

yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.

gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

gaafan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).

mid [m.l.t]
1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tus. “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is-raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iwm cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.

mid [m.dh]
1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.

mid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg