qarni
(m.l) (-iyo, m.dh)

Boqol sano.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Qarni

barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.

Ciise kaddib [Magac Falkaab | Noun Adverb]
(taar.) (C.d.) Waxay sheegaysaa inta sano ama qarni ee laga joogo dhalashadii nebi Ciise.

Ciise kahor [Magac Falkaab | Noun Adverb]
(taar.) (C.k.) Waxay u taagantahay Ciise hortii, taasoo sheegaysa sanad gaar ah, ama qarni, ka hore dhalashadii Ciise.

daahir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
(dii.) Soo ifbixid; soo bixid. Tus. “Nebi Maxamed (s.c.s) wuxuu soo daahiray muddo laga joogo 14 qarni iyo hodhodho”.

fardooley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.

fisikada qaraamiga [m.l]
(fiis.) Qaybaha fisikiska ee soo jireenka ahaa ilaa qarnigii 19aad, ka hor aragtida kuwaantum iyo u-eegidda intaan la ogaan. F. q.u waxa ay badanaa ku dhisnayd mekaanikada niyuutan iyo aragtida birlabdanabeedka ee Jaymis Maakiswel.

qarni [m.l] (-iyo, m.dh)
Boqol sano.

quruun [m.dh] (-uumo, m.l)
Dadyow isku qarni noolaa.

saliibiyiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ciidamadii masiixiga ahaa oo soo weerarey baytulmaqdis, Suuriya iyo meelo Falastiin ka mid ah, qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii saddex iyo tobnaad.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg