liin
(m.dh)

1. Miro yaryar, kuuskuusan, leh biyo dhanaan oo laga helo fitimiin C. 2. Geedka mirahaasu ka baxaan. 3. Midabka dharka lagu naqshadeeyo. ld liimo.

liin-beydarin*

Liin Beydariin (Af Ingiriis Citrus unshiu, sidoo kale: Naartjie) waa nooc ka mid ah liinta taasi oon lahayn wax siidh ah ama lafo ah. Liin beydariintu waxay kaga duwan tahay liin macaanta way ka yar tahay mar ahaan, sidoo kale qolofta ama dahaarka sare ee liin beydariintu waa mid si fudud looga qaadi karo marka la rabo in la cuno, sidoo kale waxay leedahay dhanaan ka badan liin macaanta, taasi ka yar liin dhanaanta. Si la mid ah liin macaanta ayaa liin beydariintu waxay leedahay midab oranji mararka qaar casaan xiga mararka qaarna aad huruud u ah. Sidoo kale liin beydariintu waxay leedahay hilib aad u dhadhan macaan oo jilicsan. Marka bahda liinta laga hadlayo waxaa aad iskugu dhow liin macaanta iyo liin beydariinta sababtoo ah waxay leeyihiin midab aad iskugu eg, dhadhan aan kala fogayn iyo bixitaanka geedaha oo aad iskugu qaab dhow. Si kastaba ha ahaatee, geedka liin beydariintu wuxuu ka soo jeedaa wadanka Shiinaha asal ahaan, halkaasi oo lagu beeran jiray mudo dhowr kun oo sano ah. Liin beydariintu waxay dunida inteeda kale soo gaadhay qarnigii 18aad wixii ka dambeeyay, goortaasi oo gumeystihii reer Yurub ee qabsaday wadanada koonfurbari Aasiya soo gaadhsiiyay AfrikaYurub iyo labada Ameeriko. In kastoo maanta laga beero wadamo badan oo caalamka ah, wadanka Shiinaha ayaa lambar kow ah soo saarida iyo dhoofinta liin beydariinta caalamka.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Liin

tacliin [m.dh]
Aqoon habaysan oo la barto.

tacliinsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof tacliin leh ahaansho.

tacliinsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacliinsan. ld tacliinsanaansho.

tacliinsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld tacliinsanaan.

tacliinxumo [m.dh]
Waxbarasho la'aan.

aliindi [m.l]
Dhar gacanta lagu sameeyo, adag, midabbo iyo noocyo badan leh, oo Soomaaliya lagu sameeyo. ld iliindi.

aranjaato [m.dh]
Cabbitaan laga sameeyo liinxaali, biyo iyo sonkor oo midab hurdi ah leh.

benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

biro-dhuleed-alkaliin [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).

burobahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg